Tababaraha Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa ka warbixiyey xaaladda dhaawac ee Raphael Varane, kaasoo dhaawac kaga baxay kulankii xalay ay kooxdiisu barbaro 1-1 ah la gashay Chelsea.
Waxa la soo warinayaa in daafaca Manchester United ee Raphael Varane uu soo gaaray dhaawac halis ah oo laga yaabo inuu seejiyo Koobka Adduunka ee maalmo yar kaddib ka bilaaban doona dalka Qatar.
Daafacan reer France ee Varane ayaa isagoo ilmaynaya ka baxay garoonka, waxaana Wargeysyada qaarkood ay tilmaamayaan in dhaawaciisa uu yahay mid halis ah oo ka horjoogsan doonaa inuu xiddigani ciyaari Koobka Adduunka 2022.