Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay si cad ugu sheegtay Manchester United in Victor Osimhen uusan diyaar u aheyn suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

23-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay kooxda reer Talyaani intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo dhaliyay 10 gool, waxaana uu diiwaan geliyay seddex caawin 14 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Dhanka kale, wadar ahaan, xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa dhaliyay 38 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 12 caawin Blues tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Lille bishii Sebtembar 2020.

Man United ayaa la rumeysan yahay inay Osimhen u aragto bartilmaameedka ugu horreeya ee beddelka Cristiano Ronaldo, iyadoo qandaraaska uu Portuguese-ka ku joogo Old Trafford la joojiyay.

Red Devils ayaa la aaminsan yahay in ay qorsheysay in ay sii haysato Ronaldo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka hor inta ayna badalka keenin inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *