Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa ku adkaystay in xiddiga Lionel Messi “uu fiican yahay” uuna taam u yahay inuu wajaho Mexico kulankooda muhiimka ah ee koobka aduunka 2022 ee Group C sabtida.
Messi ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo La Albiceleste ay guuldarro lama filaan ah 2-1 kala kulantay Saudi Arabia kulankoodii furitaanka Group-kooda Talaadadii, natiijadaas oo soo gabagabeysay 36 kulan oo aan laga badinin tartamada oo dhan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Argentina oo laga soo xigtay Buenos Aires Times ayaa sheegaya in xiddiga todobada jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or uu jug qabo, waxaana uu shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka soo socda ee Mexico.
Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ayaa la sheegay in uu doortay in uu ka tago kooxda inteeda kale khamiistii isaga oo tababar ku qaadanaya xerada tababarka ee jaamacadda Qatar ee magaalada Doha.
Si kastaba ha ahaatee, Scaloni ayaa xaqiijiyay in Messi uu aad u wanaagsan yahay “jirka iyo akhlaaqda labadaba”, inkastoo uu soo jeediyay in wax laga bedeli karo meelaha kale ee shaxdiisa.